xulasho
(m.f.dh)

eeg xulo. ld xulad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xulasho

cubo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
Ciyaar qofka ugu habboon xulasho. ld cugo.

cubtan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Laba qof, iyadoo midba markiisa qof magacaabanaya, dad kula jaal noqonaya ciyaar lagu tartamayo xulasho. ld cugtan².

dayo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-yday, -yatay)
1. (f.g) Ka d.: wax meel ka raadsasho. 2. (f.g) Ka d.: wax, wax kale ka dhex xulasho. 3. (f.mg) Ku d.: qof, qof kale wax uu sameeyey ka daba samayn.

dooro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Wax xulasho. 2. Cid doorasho ku jirta codsiin.

kollooydh-soocid [m.dh]
(baay.) Dariiqo molikuyuulada waaweyn (sida istaarajka ama borotiinka) iyo molikuyuulada yaryar (sida guluukows ama amiino asiidhada) oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badh-habe ah.

naqayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax inta fiican kala bixid; xulasho. 2. (f.mg) Naq daaqid (xoolo).

sooco [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-cday, -catay)
1. Wax intooda fiican xulasho. 2. Kala s.: wax isku jira noocyada ay u kala baxaan u kala saarasho. 3. Wax isku darsan inta qof leeyahay ka baxsasho.

xulad [m.l]
ld xulasho.

xulasho-dabeeci [m.l]
(baay.) Marka laga hadlayo aragtida Daarwin, dariiqad ku soo darta tadawurka sinjiyo cusub oo xayawaan iyo dhirba leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg