xummad
(m.dh)

Kulaylka jirka oo sarakaca jirro awgeed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xummad

oofwareen [m.l] (-nno, m.dh)
Cudur qufac iyo xummad leh oo saableyda dadka ku dhaca.

qaarjeex [m.l]
Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.

urug [m.dh]
Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.

dayactir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Guri, qalab iwm wax ka xummaday dib u hagaajin. 2. Wax darxumo iyo baylah ka ilaalin.

gariiriso [m.dh]
Qandho, xummad iyo gariir badan oo duumo keent.

hargab [m.l]
Xanuun qufac, hindhiso iyo xummad leh oo dadka ku dhaca; duray. ld hergeb.

jarcee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ceeyay, -caysay)
1. (f.g) Xoolo cadho qaba jarco gelin. 2. (f.g) Aqal laama ku dedid. 3. (f.mg) Qabow, baqdin ama xummad la gariirid.

jeeniwareen [m.l]
(daaw.) Xanuun xummad iyo qufac leh oo inta badan hargab xumaaday reebo; oofwareen.

qandhaggalti [m.l]
Xanuun xummad leh oo ku dhaca qof yimaada meel uusan hore u joogi jirin.

qandho [m.dh]
1. Xummad. 2. Jirro. 3. Duumo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg