xumo
(m.l)

Wax aan la jeclaysan ama aan wa-naagsanayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xumo

daacadxumo [m.dh]
Daacadnimo la'aan.

kaadimacaan [m.l]
(daaw.) Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. ld kaadimma-caan.

maammulxumo [m.dh]
Hab aan wanaagsanayn oo hawl loo fuliyo. ld maamulaxumo.

maamulxumo [m.dh]
ld maammulxumo.

qaabxumo [m.dh]
Qaab aan qurxooneyn oo wax yeeshaan. ld qaabxumaan, qaabxumi.

tacliinxumo [m.dh]
Waxbarasho la'aan.

uurxumo [m.dh]
Dabci aan wanaagsanayn oo qof leeyahay oo u diida in uu illaabo waxa loo geysto. ld uurxumi.

xaasha [Erey Dareen | Exclamation]
1. Xumo ka fog, ka dheer; taasna daa; maya. 2. Erey la yiraahda kolka wax loo bogo; baga!

aayaxumo [m.dh]
ld aayaxumaan.

afxumo [m.dh]
ld afxumaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg