xun
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-umaa, -umayd)

1. Wax aan wanaagsanayn ahaansho. 2. Ka x.: wax aan raalli ka ahayn wax la sameeyey ahaansho. 3. Ku x.: wax, wax aad u jecel ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xun

ba' [m.l]
1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'. baabba

ibagurayo [m.dh]
Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.

ibaguryee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.

xaab [m.l.w]
1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.

qaabdaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax qaab xun ahaansho.

caadaqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.

daacuf [m.dh]
Timo ama dhogor dheer, si xun u baxay ama aan la habeyn.

edbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof anshax xun toosin. 2. Asluub fiican cid ku barbaarin.

edebdaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax anshax iyo asluub xun ahaansho.

edebdarro [m.dh]
1. ld edebdarri. Anshax iyo asluub xun. 2. ld edebdarnaan. edebdarnaan

x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg