xundhur
(m.dh) (-ro, m.l)

Xuddun.

xundhur
(m.dh)

(daaw.) Cudur la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha shuban dhiig iyo axal la socdaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xundhur

dawaxaar [m.dh]
Dawo xoolaad budo ah oo reer miyigu dadka uga daaweeyaan cudurrada caloosha, sida xundhurta, tiifaha iwm.

entameeba [m.dh]
(baay.) Nooc ameebaha ka mid ah oo qaarkood deriskunool yahay siiba qaybta dheefshiidka ee dadka. “E. Histolytica” wuxu dhexgalaa oo baabi'iyaa xiidmaha isagoo keena xundhur iyo daloolinta xiidmaha, wuxuuna ku fidi karaa beerka oo ay ku sameeysmi karto malax.

xundhur-ameebeed [m.dh]
(daaw.) Jirro xiidmeed oo uu keeno noole borotosoo ah (entamoeba istolytica), kaasoo keena in uu xiidmaha dalooliyo ama absees ku sameeya: beerka, sambabada iyo maskaxda; waxaana laga qaadaa cunnada iyo biyaha aan nadiifka ahayn oo ay gaadhey saxaro qof cudurkaas qaba.

xundhur-bakteeriyeed [m.l]
(daaw.) Cudur ku dhaca xiidmaha oo uu keeno bakteeriyaha loo yaqaan shigella, waxaana laga qaadaa cunnada iyo biyaha aan nadiif ahayn oo ay gaadhey saxaro qof cudurkaas qaba. Astaamihiisa waxaa ka mid ah shuban, lallabo, casiraad, qandho oo ilaa todobaad socdaan.

xundhuro [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Qaraabo calaaqaad wanaag-sani ka dhexeeyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg