xurbi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Caano iwm xurbiye ku walaaqid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xurbi

madag [m.dh] (-dko, m.l)
Qori gaaban oo sida badan geedka docolka, mareerka iwm laga qoro oo inta dhexda fantax yar looga yeelo ul yar oo af siman leh lagu fariisiyo, kaddibna xoog loo xurbiyo ilaa uu dab ka dhasho.

xurbin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Ul dheer oo afka ganto ku leh oo caanaha iwm lagu walaaqo. 2. Ul gaaban oo af buuran leh oo soorta la karinayo lagu walaaqo. ld xurbiye, xurbo, xurub.

xurbin [m.f.dh]
eeg xurbi.

xurbiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. ld xurbin¹. 2. Qaybta ku dhex wareegta matoor danab ama danab dhaliye, xurbintaasina waxa ay keentaa in uu danabku saaqmo mareegta dhexdeeda.

xurbo [m.dh]
ld xurbin¹.

xurub [m.l]
ld xurbin¹.

xur [m.l]
Weel yar oo wax lagu beego oo afar qursi qaada; suus; madaal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg