xurbin
(m.l) (-nno, m.dh)

1. Ul dheer oo afka ganto ku leh oo caanaha iwm lagu walaaqo. 2. Ul gaaban oo af buuran leh oo soorta la karinayo lagu walaaqo. ld xurbiye, xurbo, xurub.

xurbin
(m.f.dh)

eeg xurbi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xurbin

xurbiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. ld xurbin¹. 2. Qaybta ku dhex wareegta matoor danab ama danab dhaliye, xurbintaasina waxa ay keentaa in uu danabku saaqmo mareegta dhexdeeda.

xurbo [m.dh]
ld xurbin¹.

xurub [m.l]
ld xurbin¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg