xurmo
(m.dh)

1. Weyneyn; sharaf; tixgelis; muuno. 2. Hanti yar oo nin siiyo naagtiisa qaraabadeeda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xurmo

maamuus [m.l]
Xushmad; xurmo; wanaag. ld naamuus¹.

adeer [m.l] (-rro, m.dh)
1. Nin waxa uu u yahay ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh oo qof da'weyn loogu yeero. 3. (u.j) adeerow! 4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!; gabadha aan adeerka u ahayey.

ciso [m.dh]
1. Xurmo. 2. Dhiigga haweenka bishiiba mar ku dhaca; caado. ld cis.

dhowow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-waaday, -waatay)
1. Cid si martinnimo iyo xurmo leh meel u fariisasho. 2. Soo dh.: cid meeshii ay joogtay meel ka sokeysa imaansho. ld dhawow.

dhunko [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-kaday, -katay)
Bushimaha cid kale ku taabasho kalgacayl ama xurmo awgeed.

ixtiraam [m.l]
Dareen xurmo iyo qaddarin leh oo cid loo muujiyo.

ixtiraam [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
Dareen xurmo iyo qaddarin leh cid u muujin.

milgo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Ulajeeddo wanaagsan, xurmo, muuno. 2. Shabaag ilo yaryar leh oo kalluunka lagu jillaabto. 3. Kal; miile.

muunad [m.dh] (-do, m.l)
1. Tayo wanaagsan. 2. Qurux haybad. 3. Xurmo iyo sharaf. 4. Qayb yar oo u taagan alaab la suuq-gaynayo lagana arki karo nooca iyo sifada alaabtaas. ld muuno.

sharaf [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Magac; xurmo; haybad; maamuus.

xur [m.l]
Weel yar oo wax lagu beego oo afar qursi qaada; suus; madaal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg