xuruuf
(Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural)

eeg xaraf.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xuruuf

a [m.dh]
(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.

f [m.dh]
(fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka soomaaliga, waana shibbane.

g [m.dh]
(ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.

j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

l [m.dh] (la', laan, laam)
Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

n [m.dh] (na')
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

aljebra [m.l]
(xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto habdhisyada tirooyinka iyo astamahooda guud ahaan. Waxa la adeegsadaa xuruufo ama summado u taagan xaddiyada, iyo astooyin u taagan iskuxiridda xaddiyada ama tirooyinka.

deel [m.l]
1. Astaan xoolaha lagu sunto oo u eg deelka xuruufta carabiga. 2. ld d (da').

far [m.dh] (-ro, m.l)
1. Xubnaha dhuudhuban oo ciddiyuhu ku yaallaan oo gacmaha iyo cagaha dadku ku dhammaadaan middood. 2. Hab loo qoro af. 3. Jeex biyo mareen ah. 4. Fandhaal 5. Xuruuf loo adeegsado qorista afka. 6. Hab farshaxan oo wax loo sameeyo.

higgaad [m.dh]
Ku dhawaaqidda ama qoridda xuruufta erey ka koobanyahay. ld hikaad, hingaad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg