xus
(m.l)

1. Allabari cid dhimatay loo sameeyo. 2. Damaashaad loo sameeyo dhacdo taariikh leh.

xus
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)

1. Wax soo hadal qaadid. 2. Cid dhimatay Allabari u samayn. 3. Dhacdo tariikh leh xaflad u samayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xus

laabla' [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'aa, -'ayd)
Qof aan xusuus lahayn ahaansho.

maamuus [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Cid si xushmad iyo wanaag leh u soo dhaweyn. ld naamuus².

maamuusjab [m.l]
Sharafta iyo xushmadda oo la waayey ceeb dhacday darteed, maskabjab. ld naamuusjab¹.

naayaa [u.j]
Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.

raad [m.l] (-dad, m.l)
1. Astaanta waxa soconayaa cagtoodu dhulka ku reebto. 2. Calaamad ka harta wax hore u jiray. 3. Xusuus aan qofku illaawi karin.

taallaxusuuseed [m.dh]
Taallo wax lagu xusuusto.

taallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tus. “T. xusuuseed”.

waagii dhuxusha [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waqtigii dhuxul-dhagaxda inteeda badani samaysantay.

xaflad [m.dh] (-do, m.l)
1. Isu-imaadka dad badani meel isugu yimaado iyagoo xusaya munaasabad muhiim ah. 2. Fantasiyaha loo sameeyo aroos iwm.

abbaay abbaay [m.dh]
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).

x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg