xushmad
(m.dh)

ld xushmo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xushmad

maamuus [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Cid si xushmad iyo wanaag leh u soo dhaweyn. ld naamuus².

maamuusjab [m.l]
Sharafta iyo xushmadda oo la waayey ceeb dhacday darteed, maskabjab. ld naamuusjab¹.

naayaa [u.j]
Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.

bambaani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid si naxariis iyo xushmad leh u kaalmeyn. 2. Iska b.: cid, wax ay dhibsaneyso is ka ilaalin.

codo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-otay, -odatay)
Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.

codsi [m.l]
Si xushmad iyo qaddarin leh oo cid wax loo weyddiisto. ld codsasho.

codso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.

dadabgal [m.l] (-llo, m.l)
1. ld dadabdhig 1. Doonidda gabar reerkooda laga doono iyadoo si xushmad leh loo weyddiisanayo. 2. ld dadabgelid.

dadabgal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
U d.: Reer gabadh si xushmad leh u weydiisasho. ld dadabdhig².

dambee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Ka d.: wax, wax kale gadaashooda socosho ama taagnaan. 2. Ka d.: cid xushmadeyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg