xusli
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)

1. (f.g) Wax dhudhun ku cabbirid. 2. (f.mg) U x.: wax ama cid u iilasho. 3. (f.g) Orod gaaban ordid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xusli

xuslin [m.f.dh]
eeg xusli.

xus [m.l]
1. Allabari cid dhimatay loo sameeyo. 2. Damaashaad loo sameeyo dhacdo taariikh leh.

xus [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Wax soo hadal qaadid. 2. Cid dhimatay Allabari u samayn. 3. Dhacdo tariikh leh xaflad u samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg