xusul
(m.l)

ld suxul.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xusul

cudud [m.dh] (-do, m.l)
1. Xubinta u dhexeysa garabka iyo xusulka. 2. Xoog; awood.

dangiig [m.l]
1. Jiif raaxo leh dhabarku hooseeyo; xusullaysi. 2. ld dangiigid. ld dingiig¹.

dhudhun [m.l] (-ummo, m.dh)
1. Gacanta inta u dhexeysa xusulka iyo sacabka. 2. Dhudhun iyo sacabka oo fidsan oo is wata (cabbir).

garaar [m.dh] (-ro, m.l)
1.Jileec xusullada gacmuhu yeeshaan oo gadaal gacmuhu u jirdaacmaan. 2.Duuduub iyo mardimo dadka cayilani surka ku yeeshaan. 3. Dhaqdhaqaaq; dikaa.

laba-madaxle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Muruq laba madax leh. Laba madaxlaha cududda wuxuu ku yaal inta u dhexeysa isgooyska garabka ila isgooyska xusulka wuxuu laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.

suxul [m.l] (-llo, m.dh)
Gacanta, meesha cududda iyo dhudhunku iska galaan docda dibadda xigta oo dhuuban marka gacantu laabantahay. ld xusul.

suxulduub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Iyadoo gacmuhu laaban yihiin ordid. 2. U s.: wax qabashadooda u ordid. ld xusulduub².

suxulduubid [m.f.dh]
eeg suxulduub². ld suxuulduub¹ (2), xusulduubid.

tuf [m.dh]
(daaw.) Cudur aalaaba caruurta ku dhaca iyo dhallinyarada wuxuuna ka kacaa infekshin qaybta neefsashada inteeda sare oo uu keeno baktiiriyada “haemolitic streptococci”. Astaamo: qandho, xubnoholac, marbamarka ka dambeysa xubin saameynaya, baro cascas ee maqaar ka kuuskuus yaryar oo aan xanuun lahayn ama lafo soo baxsan sida xusulka, dhaqdhaqaaq ogaan la'aan oo aan caadi ahayn ee addimada iyo madaxa (chorea) iyo hallamacood wadnaha gufafkiisa iyo xuubka ku daboolan (pericardium).

xus [m.l]
1. Allabari cid dhimatay loo sameeyo. 2. Damaashaad loo sameeyo dhacdo taariikh leh.

xus [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Wax soo hadal qaadid. 2. Cid dhimatay Allabari u samayn. 3. Dhacdo tariikh leh xaflad u samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg