yake
(m.l)

1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. ld yeeg.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yake

yakayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yakee.

yakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
Cid ganaax weyn saarid.

yakeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Qof yakoobay ahaansho.

yakeysanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yakeysan. ld yakeysa-naansho.

yakeysanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld yakeysanaan.

yeeg [m.l] (-gag, m.l)
Turub hal dhibic leh oo ka sarreya baashiga. ld yake (2), yeeke.

khasir [m.l]
1. Maal lacag ah oo si aan habboonayn lagu bixiyo ama lagu lumiyo. 2. Ganaax; xaal; yake. ld khasiraad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg