yaxyax
(m.l)

1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. ld yaxyaxid.

yaxyax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)

Qof ceeb weyn dareemid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yaxyax

yaxyaxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.

yaxyaxid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaxyax². ld yaxyax¹ (2).

yaxyaxin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaxyaxi.

qosolgariir [m.l]
Qosol naxdin iyo yaxyax keenaan.

qosolgariir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Naxdin iyo yaxyax awgood la qoslid.

wejiggabax [m.l]
Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.

xilyaxyax [m.l]
Ceeb weyn; bayuur.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg