yeeg
(m.l) (-gag, m.l)

Turub hal dhibic leh oo ka sarreya baashiga. ld yake (2), yeeke.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yeeg

yake [m.l]
1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. ld yeeg.

yeeg-bibanji [m.l] (-iyo, m.l)
ld yeeg-bibiish.

yeeg-bibiish [m.l] (-iyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kale-na shan dhibcood. ld banji-biyeeg, biish-biyeeg, yeeg-bibanji.

yeeg-bicaddaan [m.l] (-nno, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. ld caddaan-biyeeg.

yeeg-bidooh [m.l] (-hyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena laba dhibcood ku leh. ld dooh-biyeeg.

yeeg-bijoohaar [m.l] (-rro, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. ld joohaar-biyeeg.

yeeg-bisaliim [m.l] (-mo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena saddex dhibcood ku leh. ld saliim-biyeeg.

yeeg-bishiish [m.l] (-shyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld shiish-biyeeg

yeegtiis [m.l] (-syo, m.dh)
Bisha ku dhammaata kow iyo soddon.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg