yeel
(m.l) (-lal, m.l)

Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iwm.

yeel
(m.l)

Y.-kay, y.-kaa: arrintay, arrintaa iwm.

yeel
(m.dh) (-lo, m.l)

1. Xarig dheer oo loo isticmaalo awrta rariddeeda oo isaga gudba awrka dhinacyadiisa, dabagelisna leh. 2. Inta xarig ah ee ka samaysan harag.

yeel
(Xiriiriye | Conjunction) (nax.)

Ha yeeshee (hayeeshee) ama hase yeeshee (haseyeeshee): ha ahaatee, laakiin.

yeel
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-eelay, -eeshay)

1. Cid arrin ama wax kale ka aqbalid. 2. Kab go'day samayn. 3. Wax samayntooda ku kicid.

Yeelid*

Waxa loo isticmaala kabaha markii la tolayo   Sida caliyow hoo kabahaan ii yeel


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Yeelid*

waa Ogolaansho, Kuraacid  - waa eray Lid ku ah, diidmo


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yeel

aabayeel [m.l] (-yeelay, -yeshay)
Aabayeel ah: qaddarinta ama tixgelinta cid la siiyo. 2. ld aabayeelid. aabayeelid

aabayeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-yeelay, -yeshay)
U aabayeel: qaddarin ama tixgelin cid siin.

aabayeelid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aabayeel². ld aabayeel¹ (2), aabeyeelid. aabayeel, aabeyeelid

aabeyeelid [m.f.dh ld]
eeg aabayeelid aabayeelid

ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

odayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Da'weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayo aragnimo yeelasho. waayeeloobid

taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid

ubaxayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ubax yeelasho (geed). ld ubxayso. ubxayso

qaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
1. Wax qaab loo yeelay noqosho. 2. Wax fadhi badan ku curqay noqosho. ld qaabi (1). qaabi

qaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax qaab loo yeelay ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg