yeelasho
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg yeelo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yeelasho

odayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Da'weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayo aragnimo yeelasho. waayeeloobid

ubaxayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ubax yeelasho (geed). ld ubxayso. ubxayso

ubxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ubax yeelasho (geed).

edebso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ilmo anshax wanaagsan u yeelasho.

edebyeelasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg edebyeelo. edebyeelo

edebyeelo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-eeshay, -eelatay)
Ka e.: edeb lahaansho; dhaqan wanaagsan yeelasho.

gaafabbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Reer u gaar ah yeelasho (wiil).

gaafan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-fnaa, -fnayd)
1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Midab gaar ah yeelasho (neef geel ah).

laamee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Geed laamo yeelasho. 2. Ilmo laan yar la dhicid.

naagayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Naag ka dhigasho. 2. Naag xiriir galmo la yeelasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg