yeele
(m.l) (-layaal, m.l/dh)

(nax.) Magaca waafaqsan qaab sarfeedka falka weerta; fale.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yeele

idinka [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaal yeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus.: “waxaas idinka ayaa ku shaqa leh”. ld idin². idin

ay [mu.dhm.y]
Magacuyaal yeele oo matala “iyada” ama “iyaga”. Tus. “Maryan Wiil ay tiqiin ayay maanta suuqa ku aragtay”, “Wiilashu guri ay degganaayeen ayay aadeen”.

bahal [m.l] (-llo /-lo, m.dh)
1. Nafleyda inta dadka iyo duunyada wax yeeleysa ama qaabkoodu cabsi geliya ee aan cayayaanka ahayn. 2. Wax. 3. B. ah: qof dilaa ah.

gudbe [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
(nax.) G. ah: fal wax qabadkii u tallaabo wax kale ama yeele iyo layeele u baahan. Tus. “Cali baa aqalkii dhisay”.

in [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iwm). Tus. “In uu imaanayaa waa hubaal”, “Waxaan doonayaa in aan tago”, “Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado”. 2. Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii. Tus. “Bal inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii bal inay fog tahay”. 3. Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Inta aan soo noqonayo”, “Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo”. 4. Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in. Tus. “Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig”.

kays [m.l]
(nax.) Isbeddel sarfeed oo ku dhaca qaabka ereyada qaarkood (siiba magacyada), oo muujinaya xiriirka naxweed ee qaabkaasi uu la leeyahay weerta inteeda kale; waa seddaxda habdhis kaysyada soomaaliyeed waxaana ka mid ah: kays yeelaale oo ah marka magaca yeele uu dhammaadkiisa ka muuqdo -u ama -i. Labada kale waa: kays yeermo iyo kays lahaansho.

layeele [m.l]
(nax.) Magaca tilmaama qofka ama shayga uu ku dhaco falka yeeluhu sameeyo. Tus. “Saynab waraaq ayay qortay”.

nikotiin [m.l]
Maaddo aadanaha wax yeeleysa oo laga helo tubaakada.

qayaayo [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
1. Q. ah: wax qabyo ah oo waxa ka dhimani ay iin u yeeleyso. 2. Faro, ilko iwm oo is dulsaaran.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg