yeelin
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg yeeli.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yeelin

raalliggelin [m.dh]
Ficil aad qofka ku siinaysid, waxa uu rabo si uusan wax kuu yeelin ama kaaga xumaan.

ambaal [m.l]
Raro awrka dushiisa la saaro si rarku aanan wax u yeelin awrka.

masharaaf [m.l] (-fo, m.l)
Tuubbo dheer oo macdan ama balaastig ah, guryaha dushooda ka soo dejisa biyaha roobka oo keenta dhulka si aan biyuhu guriga wax u yeelin; maracaad; manjarrar. ld masharafad.

yeel [m.l] (-lal, m.l)
Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iwm.

yeel [m.l]
Y.-kay, y.-kaa: arrintay, arrintaa iwm.

yeel [m.dh] (-lo, m.l)
1. Xarig dheer oo loo isticmaalo awrta rariddeeda oo isaga gudba awrka dhinacyadiisa, dabagelisna leh. 2. Inta xarig ah ee ka samaysan harag.

yeel [Xiriiriye | Conjunction] (nax.)
Ha yeeshee (hayeeshee) ama hase yeeshee (haseyeeshee): ha ahaatee, laakiin.

yeel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
1. Cid arrin ama wax kale ka aqbalid. 2. Kab go'day samayn. 3. Wax samayntooda ku kicid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg