yeelo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-eeshay, -eelatay)

1. Hanti ama wax kale lahaan. 2. Ku y.: dayn cid ku lahaan. 3. U y.: wax aad u danayn. 4. Kab iwm suun u samaysasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yeelo

taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid

edebyeelo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-eeshay, -eelatay)
Ka e.: edeb lahaansho; dhaqan wanaagsan yeelasho.

haanse [m.l] (-sayaal, m.l/dh)
Qaab qurxoon oo wax loo yeelo.

waayeelow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Waayeel noqosho.

yeelasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yeelo.

yeelyeelo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-eeshay, -eelatay)
Cir in uu da'o u diyaar garoobid.

ceelyeelo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-eeshay, -eelatay)
Xoolo iyadoon cidi wadin ceel aadid.

dacal [m.dh] (-lo, m.l)
Summad xoolaha loo yeelo oo dhegta dhinaceeda hoose la jeexo.

dariishad [m.dh] (-do, m.l)
Mid ka mid ah daloollada loo yeelo aqallada iwm oo ay iftiinka iyo naacawdu ka soo galaan; khalfad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg