yeeri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Qalab muusiko ka dhawaajin. 2. U y.: cid wax ay qorto u akhri-yid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yeeri

aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan

xaadiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dad meel jooga si loo ogaado kan maqan iyo kan jooga, magacyadooda yeerin.

wac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -wici)
1. Cid u yeerid. 2. Isu w.: cid meel ku uruurin.

yeerid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
yeer². ld yeeris².

yeerin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yeeri. ld yeeris¹.

yeeris [m.l]
ld yeerin.

yeeris [m.dh]
ld yeerid.

ci [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
1. (f.g/mg) Soo c./u soo c./u c.: xoolo, shimbir iwm cod dheer ku dhawaaaqid. 2. Cid u yeerid.

dayaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Durbaan, dhul iwm sharqan, hugun weyn ka yeerid. ld daryaan², diryaan², diyaan².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg