yeero
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-rtay, -ratay)

U y.: cid wacasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yeero

aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan

naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa. naayaa

yeerasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yeero.

adeer [m.l] (-rro, m.dh)
1. Nin waxa uu u yahay ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh oo qof da'weyn loogu yeero. 3. (u.j) adeerow! 4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!; gabadha aan adeerka u ahayey.

garceesaan [m.l]
1. Geed boqoshaaga u eg oo badanaaba dundumooyinka ka baxa. 2. Magac loogu yeero qof leh gar dhuuban sida midka ceesaank.

laba-duub [m.l]
Magaca loogu yeero ugaarta inta geesaha leh, (labaduub, saddex-duub...) iyadoo laga soo qaaday wareegga geesaha, halkii wareegba (duub) hal gu'.

luqmaliigle [m.l]
1. Magaca loogu yeero neef geel ah oo leh luqun qurxoon. 2. Neef geel ah, da'yar oo cayillan.

magac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Erey qof, meel ama wax gaar ahaan loo yaqaan oo loogu yeero. 2. M. leh: qof sharaf, wanaag iyo geesinnimo lagu yaqaan.

magacow [m.l]
1. Qof magiciisa oo loogu yeero. 2. Qof darajo iyo madaxnimo lagu meeleeyo. 3. ld magacaabid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg