yib
(m.dh)

Cayaar fadhiga lagu dheelo, shan iyo labaatan hogood leh, si afar gees ah dhulka loogu calaamadiyo, oo ay dheelaan laba qof oo kiiba yeesho laba iyo toban dhagax oo isku midab ah, waxaana loo cayaaraa habka daamada loo dheelo.

yib
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

Yib cayaarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yib

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

qaayib [m.l]
ld qaayibid.

qaayib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid.

qaayibid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaayib. ld qaayib¹.

untiye [m.l]
ld yibir.

yibal [m.l]
Darxumo ka muuqata xoolo caato ah marka ay biyo cabbaan ee ay baad waayaan.

yibid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yib².

yibir [m.l]
Qof ka tirsan beesha loo yaqaano Yibro.

y [m.dh]
(ya') Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg