yibir
(m.l)

Qof ka tirsan beesha loo yaqaano Yibro.

yibir
(m.dh)

Haweenay aad u hunguri xun.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yibir

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

untiye [m.l]
ld yibir.

yibirnimo [m.dh]
Yibir ahaansho.

yib [m.dh]
Cayaar fadhiga lagu dheelo, shan iyo labaatan hogood leh, si afar gees ah dhulka loogu calaamadiyo, oo ay dheelaan laba qof oo kiiba yeesho laba iyo toban dhagax oo isku midab ah, waxaana loo cayaaraa habka daamada loo dheelo.

yib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Yib cayaarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg