yicib
(m.dh)

Gudda miro ka baxa oo qolof iyo labo qalbac oo beer ah leh oo la cuno, aadna u nuxrur badan. ld jicib.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yicib

yicibciye [m.l]
Nooc ka mid ah dhirta faalasha oo geelu aad u daaqo.

balag [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Sixir meel la dhigo si qof meel dheer jiraa uu u yimaado barta sixirku yaallo. 2. Miraha yicibta, lebiga iwm oo curdan ah.

beeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Miro sida lawska yicibta iwm. qubka sare ka qaadid.

ciddillibaax [m.dh]
1. Miro yicibeed oo markaa soo baxay. 2. Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhashay.

cirujeed [m.l]
Miro yicibeed oo markaa soo dhashay.

dibudday [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Mira yicib oo curdan ah. 2. Geed yar oo qodax leh.

geesoole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba le.

gud [m.dh]
Geed-gaab laamo dhuudhuuban leh oo dhala miro macaan oo loo yaqaan yicib.

jalaw [m.l]
Miraha digirta, yicibta iwm oo geedka ku qallalay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg