yur
(Erey Dareen | Exclamation)

Erey xoog loo yiraahdo kolka bahal layska celinayo, si uu u joogsado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yur

waagii dhagaxa-dambe [m.l]
(taar.) Wuxuu sheegayaa waxyaabaha la xiriira waqtigii taariikhda ka horeeyey, markii ay dadku bilaabeen beerashada, laakiin dhagaxa ay waqtigaas u isticmaali jireen qalab ahaan, waqtigaas oo dhamaaday 9000-6000, dhalashadii Nebi Cise horti koonfur-galbeed Aasaiya, 4000 ilaa 2400 Nabi ciise horti ee Yurub.

waayadii dhexe [m.dh]
(taar.) Wax la xiriira waqtayadii dhexe intii u dhexeeysay 1100 Ciise kaddib gaar ahaan taarikhada Yurub.

yurasil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.

yurayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yuree.

yuree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Dugaag wax ka celin.

yurqudle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.

yuruuruc [m.l]
Koox ubad ah oo yaryar; carruur; gurbood.

barashada cilmiyadii hore [m.dh]
(taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.

dhanbalan [m.l]
(kiim.) U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.

y [m.dh]
(ya') Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg