Ereyga Maanta: fidmawade
xeerka dhaalton ee cadaadis-qaybeed  (fiis.) Cadaadiska guud ee isku-jirka neefo waxa uu le'eg yahay wadarta cadaadis qaybeedyada ka dhallan lahaa neefaha, haddii neef kasta qaarkeed ugu jiri lahayd weelka. Eeg Cadaadis qaybeed.
xeerka Jaarles  (fiis.) Mugga neef engegani waxa uu saamiggal qumman la yahay heerkulku Kelfin, marka cadaadisku yahay madoorsoome.
xeerka kala-dhigga  (xis.) Xiriir gaar ahaaneed ee ka dhexeeya laba xisaabfal. Tusaale ahaan, kutirsaneyaasha ururka {a, b, c, d, ...}. Waxa jiri kara laba xisaabfal sida * iyo 0 oo xisaabfalka * uu ku kala dhigmo 0, marka a * (b o c) = (a * B) o (a * c). b) 2 X (3+6)= (2x3) + (2x6) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee aritmatiga (ama aljebra). t) A (B U C) = (A B) U (A C) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee ururrada.
xeerka kala-hormarinta  (xis.) Xeer ku saabsan isku xiridda laba kutirsane ee u dhexeeya xisaabfal labaale ah. Taas oo jawaabtu aan ku xirnayn sida loo kala hormariyo kutirsanayaasha. Sida: a*b = b*a. Xisaabfallada isugeynta iyo iskudhufashadu waxa ay raalliggeliyaan heerka kala hormarinta, haseyeeshee, isuqaybinta iyo kalagoyntuna ma raalligeliyaan.
xeerka kosayn  (xis.) Saddex-xagal kasta, haddii a, b iyo c iyo yihiin dhererrada dhinacyada iyo + ay tahay xagasha ka horjeedda dhinaca dhererkiisu yahay c, markaa c2=a2+b2-2abcos+.
xeerka Kuulam  (fiis.) Xoogga ka dhexeeya saldanabka laba barood oo isku jira fogaan r (mitir) ahi waxa uu saamiggal qumman ku yahay tarenta saldanabyada q_1q_2 iyo rogaalka labajibbaarka fogaanta u dhexeysa.
xeerka Lenis  (fiis.) Xeer odhanaaya in jihada keyd faraqa saaqmay uu lid ku yahay isbeddelka abuuraya.
xeerka noqodka  1. (fiis.) Fallaadh abbaarka, fallaadh noqodka iyo liganuhuba waa isku sallax. 2. (fiis.) Xagal abbaarka (i) = xagal noqodka (r) wuxuna sax ku yahay noqodka ka dhaca dulaha muraayadaha obtikaad ee sallaxa ah iyo kuwa xoodanba.
xeerka qalloocsanka  1. (fiis.) Xagal abbaarka, xagal qalloocsanka iyo liganuhuba waa isku sallak. 2. (fiis.) Saamiga sayni iyo sayn r waa madoorsoome marka ay u gaar yihiin labada dhextaal ee tebinaya. Taas oo i = xagal abbaarka, r = xagal qalloocsanka.
xeerka sayn  (xis.) Saddex-xagal kasta saamiga dhererka dhinaca marka loo eego saynka xagasha ka horjeedda dhinacaasi waa isku mid dhammaan saddexda dhinac. Sidaa daraadeed saddex-xagal dhinacyadiisu ay yihiin a, biyo c, xaglihiisuna ay yihiin A, B iyo C. Jidka waa a = b = c taas oo ay tahay dhinaca kahorjeeda xagasha A, b-tahay dhinaca kahorjeeda xagasha B iyo c-na tahay dhinaca ka horjeeda xagasha C.
xeernaan  eeg xeeran. ld xeernaansho.
xeernaansho  ld xeernaan.
xeero1   Weel godan oo qori ka samaysan oo cuntada lagu rito. xeero2  (muus.) Qaybta kordhisa codka shareerada oo ka samaysan xeero qori ah oo harag ari ku daboolan. xeeryan   ld heeryaysan.
xeeryanaan  ld heeryaysnaan.
xeeryanaansho  ld heeryaysnaan.
xeeryaqaan   Qof sharci ku takhasusay ama aad u yaqaan.
xeeryid  eeg xeeri².
xer  1. Dad koox ah oo sheekh raacsan ama wax ka barta. 2. X. ah: nin u go'ay barashada diinta oo hadba meel u aada kutub raacasho.
xerageddi   Xoolo xeradii ku firshowday, xero kale u beddelid.
xerageddin  eeg xerageddi. ld xera-geddis.
xerageddis  ld xeragaddin.
xerageddisad   ld xeraged-disasho.
xerageddisasho  eeg xerageddiso. ld xeragaddisad.
xerageddiso   Guri u dhow u guurid (cid).
xerageli   1. Soo x.: wax kasbid. 2. Wax tacbid.
xeragelin  eeg xerageli.
xeraguul   Xero xooluhu baryaan marka ay aroorka yihiin.
xerayn  eeg xeree.
page : 35 of 60
<< < 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 > >>