Ereyga Maanta: fidmawade
xilafursii  Cid in ay xilaheeda ku dhaarato gayeysiin.
xilafursiin  eeg xilafursii.
xilagube  Nin ooridiisa u daran.
xilasho  eeg xilo².
xilbax1  ld xilbixid. xilbax2  Waajib qof saarraa si fiican u gudasho. xilbixi  Cid in ay xilkeeda si fiican u gudato geyeysiin.
xilbixid  eeg xilbax². ld xilbax¹.
xilbixin  eeg xilbixi.
xildhibaan  1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.
xildiid  Xabag midab dambar-cad ah, ur silloon iyo dhadhan kharaar leh oo daawo ahaan loo isticmaalo.
xilfe  Nagaar la beero, oo iniino yaryar, oo dhirta dawada ka mid ah.
xilid  eeg xil².
xilkas  1. Qof xilka garan og; xildhibaan. 2. Neef irmaan oo madi ah, oo lagu xilbaxo.
xilkasnimo  Xilkas ahaansho.
xillad  Kal; waqti.
xilli1  1. Waqti; goor; ammin. 2. Nur. xilli2  (c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, ja-naayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koon-fureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iwm. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tix-geliyaa taariikho gaar ahaaneed. xilo1  Haweenka la qabo; oori; afo; maranti; naag. xilo2  U x.: wax dan moodid; wax u iilasho, wax u eexasho. xiloodi  1. Naag xodxodasho. 2. Qof cayr ah kaalmo ka doonid.
xiloodin  eeg xiloodi.
xilqaamid  eeg xilqan². ld xilqaan¹.
xilqaan1  ld xilqaamid. xilqaan2  Is x.: is adeejin, wax isu dirid, xil isa saarid. xilqabeen  Qof mas'uul ah oo aan ku dhiirran karin naftiisa inuu ka fekero.
xilqo  Saf wareegsan oo dad taag ah ama fadhiya oo digrinaya; xilqad.
xiltir1  ld xiltirid. xiltir2  Qof hawl cid laga sugaayey fulinteeda isu xilsaarid. xiltirid  eeg xiltir². ld xiltir¹.
page : 42 of 60
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 > >>