tooje Inta caano naasaha ku jira lisidda ka hor.
toojo Neef irmaan aan si fiican loo fara barin oo dhib iyo shiddo lagu liso; aan hebed ahayn. ld tood¹.
tookh1 Faan, ammaan. tookh2 Ku t.: faan iyo istustus samayn. tookhid eeg tookh².
toolin T. ah: caano la soo uruuriyey oo la siiyo reero aan xoolo u irmaanayn.
toolmoon 1. Qof laf iyo hilib isla eg leh oo qurxoon ahaansho. 2. Arrin habboon in la yeelo ahaansho. ld toolmoonsan.
toolmoonaan eeg toolmoon. ld toolmoonaansho, toolmooni, toolmoonsanaan.
toolmoonaansho ld toolmoonaan.
toolmoonayn eeg toolmoonee.
toolmoonee Wax qurxin ama hagaajin.
toolmooni ld toolmoonaan.
toolmoonsan ld toolmoon.
toolmoonsanaan ld toolmoonaan.
toolmoonsanaansho ld toolmoonaan.
toomigaan Nooc buntukhda ka mid ah oo darandoori u dhaca.
toomman T. ah: bishu marka ay 29 beri ku dhammato.
toon1 1. Miro is qabsaday oo dhuuban. 2. Geela la tolo, saaladiisa isqabqabsata oo wax kuusan noqota. toon2 (nax.) Marka shay lagu dhawaaqayo codku wuxuu noqon karaa mid dheer ama mid gaaban ama mid dhexdhexaad ah. toon3 1. Dhir urursan oo meel ku wada taal. 2. Geed yar oo buruqdisu ka mid ah kuwa cuntada lagu darsado oo lagu carfiyo. toonbaakh ld tubaako.
toor1 1. Beer iyo hilib la yar yareeyey oo la isku shiilay. 2. Bun duban, caano, daango iwm oo la isku daray. toor2 1. Bun duban, caano, daango iwm isku darid. 2. Beer, hilib iyo xayr isku shiilid. tooran 1. Bun, daango, caano iwm wax la isku daray ahaansho. 2. Beer, hilib iyo xayr wax la isku shiilay ahaansho.
toorasho eeg tooro.
tooratoore Bir dhuuban oo meel la qabsado leh oo buntukha lagu cabbeeyo.
toorayn eeg tooree.
toore 1. Waddo yar oo xooluhu bixiyeen. 2. Raad xoolo badan oo is daba socda sameeyaan.
tooree 1. Nafley toore samayn. 2. Xoolo badan si isdaba joog ah u socosho.
toorid eeg toor².
page : 48 of 60
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>