Ereyga Maanta: qaqaan
argaggixis  ld argaggixin.
argaggixisannimo  Isticmaalid rabash, dil, afduub iyo dhac si loo gaaro ujeeddo siyaasadeed ama si loogu qasbo dawlad in xukunkeedu wax ka beddesho.
argaggixiso  1. Dad hubaysan oo argaggax dadka ku rida ama dila. 2. Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumisa.
argagid  ld irkigid.
argagsan  ld irkigsan.
argagsanaan  ld irkigsanaan.
argagsanaansho  ld irkigsanaan.
argeeg  Geed nagaar aan qodax lahayn, oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo xididdo dhaadheer oo weelbiyoodka laga tolo.
arhasho  eeg arho.
arhid  eeg arah². ld arah¹ (2), arahdoonid (2).
arho  Arah aadid.
ari  Nooc ka mid ah meesiyada la dhaqdo, ku dhala shan bilood, had iyo jeer la nool xaaska oo ka kooban riyo iyo ido. ld eri¹ (1).
aricad  Riyo.
arifadh  Mindi yar oo ariga lagu qasho.
arijir  A. ah: qof mehereddiisu tahay ari raacid.
aritmatig  (xis.) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.
arjantam  (kiim.) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah oo u jiri kartaa asal ahaan iyo weliba salfaydh (AgS) iyo kolorayd (AgCl) ahaanba. Summaddeedu waa: Ag. Bar dhalaalkeeduna (b.dh.) 960 C. Bar karkeeduna (b.k.) 2180 C. Cufnaan beeggeeduna waa 10.5, tiroborotoon 47, cuf atammeed 107.87.
Arjantiina  Argentina (Af-Ingiriis: Argentina; Spanish: [aɾxentina]), si rasmi ah dalka Argentine [A] (Isbaanish: República Argentina), waa Jamhuuriyadda Federaalka ee inta badan ku taal qaybta koonfureed ee Koonfurta Ameerika. Wadaagidda qadarka Koonfureed ee Chile ee galbeedka, waddanka ayaa sidoo kale xuduud u leh Bolivia iyo Paraguay dhanka woqooyiga, Baraasiil oo waqooyi-bari, Uruguay iyo Koonfur Atlantic oo ku yaal bariga, iyo Khadka Dhexe ee Drake ee koonfurta. Argentina waxaa ku yaala wadanka sideedaad ee ugu weyn adduunka, kan labaad ee ugu weyn Latin America, iyo kan ugu weyn ee Isbaanishka ku hadla. Buenos Aires, oo ah caasimada federaalka ah ee dalka
arji  (araaji /-iyo, m.dh) Qoraal loo diro dawlad, shirkad, hay'ad iwm oo wax lagu weyddiisanayo ama lagaga cabanayo.
arjibilaago  (juqr.) Koox jasiirado ah.
arjiqore  Qof araaji qora.
arjumid  eeg arjun.
arjun  Qof dhagax ku dilid.
arkaan  A.ta islaamka: shanta tiir ee diinta islaanka ku taagan tahay. ld arkaanu-islaan.
arkaanu-islaan  ld arkaan.
arkaniida  (baay.) Dir ka tirsan artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka. Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.
arkid  eeg arag².
arkiifiyo  Ururin ama keydin macluumaad, qoraal, dukumentooyin, sawirro, iwm. Kaasoo xambaarsan macluumaad ku saabsan waddan taariikhdiis, meel, urur, qaab sawir, iwm.
arkijireddoon  Qof dano gaar ah oo uu hore u heli jiray darteed aan isbeddel cusub oggolayn.
arkoo  Cid wax ay daneyneyso la kulmid; doorasho.
page : 57 of 75
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 > >>