Ereyga Maanta: waddoohiye
ciribla'  Dhurwaagu marka uu aad u duqoobo.
ciribla'aan  Ciribdambeed xumo.
ciribsasho  eeg ciribso.
ciribso  1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho.
ciribtir1  Baabi'inta jiritaanka nafley ama wax kale. ld ciribtirid. ciribtir2  Wax jiritaankiisa baaba'ay ahaansho. ciribtiran1  Wax jiritaankiisa baaba'ay noqosho. ciribtiran2  Wax jiriitaankiisa baaba'ay ahaansho. ciribtirid  eeg ciribtir². ld ciribtir¹.
ciribtirmid  eeg ciribtiran¹.
ciribtirnaan  eeg ciribtiran². ld ciribtirnaansho.
ciribtirnaansho  ld ciribtirnaan.
ciribxumi  Aayo xumi. ld ciribxumo.
ciribxumo  ld ciribxumi.
cirid  1. Bacaad qorraxdu kululaysay. 2. Kulaylka qorraxda. ld ciriid, cirrid³.
ciridhiib  Isku taagidda faraha lugaha iyaada oo cirbaha kor loo qaadaayo. ld cirbadhiib.
ciridhiibsad  ld cirbadhiibsasho.
ciridhiibsasho  ld cirbadhiibsasho.
ciridhiibsi  ld cirbadhiibsasho.
ciridhiibso  ld cirbadhiibso.
cirif  Geeska ugu dambeeya ee ay ku dhammato meel ama shay. ld cidhf.
cirifayn  1. (fiis.) Xadaynta gariirrada ay leedahay hir gudbani, si gariirku ugu dhaco sallax keliya. Tusaale ahaan, kaaha birlab-danabeed waa dhaqaaqa hir gudban. 2. (fiis.) Yaraynta maayadda unugga Foolt, taas oo ka dhalata tuulmidda maxsuullada ka soo baxa falgalka kiimikaad.
ciriid  ld cirid.
ciriiri1  1. Meel dhex mariddeedu dhib tahay yaraan awgeed. 2. Meel aan waxa ku jira qaadin, yaraan awgeed. 3. Wax heliddooda adagtahay. 4. Waqti aan ku filnayn in hawl lagu qabto. ld cariiri¹. ciriiri2  1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. ld cariiri². ciriirin  ld ciriiryid.
ciriirsamid-bilooro  (daaw.) Muruq bararka caloosha oo ciriiriya godka cunnadu marto marka ay gudbeyso xiidmaha. Cudurku wuxuu keenaa raagid cunno gudbid taas oo u sabab ah matag soo noq-noqda, mararka qaarkood cunno la cunay 24 saac ka hor; waxa kale oo la arkaa uur fuuriyo nuux-nuuxsi calooleed.
ciriiryid  eeg ciriiri². ld cariirin, cariiryid, ciriirin.
ciriiryoon  Meel, wax ciriiri ah ahaansho. ld cariiryoon.
ciriiryoonaan  eeg ciriiryoon. ld cariiryoonaan, cariiyoonaansho, ciriiryoonaansho.
page : 77 of 95
<< < 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 > >>