hor-imaansho eeg hor-imow.
hor-imow 1. Ka h.: qof hortiisa ka imaansho. Tus. “Xasan baa Cali jidka uga hor yimid”. 2. Ka h.: cid arrin, hadal iwm ku qilaafid.
horaad1 1. Naasaha xoolaha labada horreeya oo xagga xudunta xiga midkood. 2. Naasaha dumarka. horaad2 (xis.) Ururka dhammaan xubnaha hore ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh x kutirsaneyaal ee la dhigo dhidibka jiifa (dhidibka-x) ee garaaf. horaad3 Haan ama dhoon loogu horreysiiyo rarka ratiga dhaanka ah. ld kalsaar. horaadi Hal irmaan horaad ka marid, ama ka lisid.
horaadin eeg horaadi. ld horaadis.
horaadis ld horaadin.
horan Xoolo wax biyo loo horay ahaansho.
horasho eeg horo.
horatabyee ld horatibyee.
horatabyo ld horatibyo.
horatibyee 1. Wax dedejin si ay u dhammaadaan. 2. Wax taqaantuqin. ld horatabyee, horutibyee, horutubyee.
horatibyeyn eeg horatibyee. ld horatabyeyn, horutibyeyn, horutub-yeyn.
horatibyo Dedejinta wax la rabo in ay dhaqso u dhammaadaan la dedejiyo. ld horatabyo.
horay1 Dhanka loo jeedo; hagaag; fool. ld hore. horay2 1. Hor. 2. Waqtigii hore. horayn eeg horee. ld horid, horis, hormo, horniin.
hordeg Cayaar turub, haad socda haad kale oo aan la nooc ahayn ku darid.
hordegid eeg hordeg.
hordhaan Neefka xoolaha ugu horreeya marka ay soconayaan.
hordhac 1. Arar (suugaanta); gogol. 2. Hadal kooban oo qoraal ah, oo ujeedada buugga lagu koobo.
hordhalad 1. Curad. 2. Horgal.
hordhig 1. Wax, wax kale ku hor gudbid. 2. Arrin, dacwad iwm cid wax ka qaban karta hor gayn. 3. Cunto, cabbid iwm cid u gayn.
hordhigid eeg hordhig.
hordiyuulam (daaw.) Halaamacood muddo gaaban ee qanjir ku yaal baalka isha salkeeda oo uu keeno baktiiriya. Qanjirku waa adkaanaayaa dhexdiisana malax baa ku jirta.
hore Wax safan ama socda caaradkooda ku sugan; horreeya. ld horay¹.
horee 1. (f.g) Xoolo meel ku reebid. 2. (f.mg) Ka h.: xoolo meel ka reebid. ld hor².
horfiiq Qof dad hoggaa-miya.
horfiiqsad ld horfiiqsasho.
page : 77 of 93
<< < 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 > >>