ciriiryoonaansho ld ciriiryoonaan.
cirir 1. Godka laba iyo labaatanaad ee dayaxu fariisto. 2. Xiddig dayaxa la fariista xilliga jiilaalka. 3. Qof adadag oo ayaan badan oo dhashay xilliga xiddiggaas.
cirjeex Meereyaasha kan ugu weyn oo u dhexeeya farraare iyo raage; mushtar. ld cirjiir.
cirjiir ld cirjeex.
cirkasoodhac 1.(-cyo m.dh) Dhagax shiil madow ah oo la rumaysanyahay in uu hawada sare ka yimid. 2. Arrin si lama filaan ah u dhacda. 3. Waran-cireeyada aan atmoosfeerka ku soo burburin, ee soo gaara dhulka. ld cirsoodhac.
cirkayeer Shimbir habeenkii ciya oo saadaaliya roob. ld cirsankayeer.
cirrannuug Yaraan; guridambays; sug.
cirrayn eeg cirree.
cirraysasho eeg cirrayso.
cirrayso Cirro yeelasho.
cirree Wax ama qof cirroole ka dhigid.
cirrid1 Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya. cirrid2 (c.nafl.) Sooh xiriirka iyo xuubka daboola (mucous membrane) oo isku haya ilkaha iyo daamanka. cirrid3 ld cirid. cirridbaar War ama xog lagu tuhmayo inuu wax ka ogyahay, qof si dadban u weyddiin.
cirridbaarid eeg cirridbaar.
cirro Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.
cirroobid eeg cirrow.
cirroole Qof gaboobay.
cirrow Cirrow yeelasho.
cirsankayeer ld cirkayeer.
cirsoodhac (c.fal.) Cuf weyn oo dhadhaab ama macdan ah, kaas oo la mid ah shuhubka; cufkaas isaga oo weyn awgeed uguma burburo gibilka dhexdiisa boor ahaan, laakiin wuxuu soo gaaraa dhulka dushiisa. ld cirkasoodhac.
cirtaali ld cirtaallee.
cirtaalin ld cirtaallayn.
cirtaallayn eeg cirtaallee. ld cirtaalin.
cirtaallee Wax, kor u gamid. ld cirtaali.
cirtaallo Tuuryo kor loo gamo oo meel fog la gaarsiyo.
cirujeed Miro yicibeed oo markaa soo dhashay.
cirwareen Cirboor; qode.
cirweyn Wax cirweyni ku sifoobay ahaansho.
page : 78 of 95
<< < 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 > >>