Ereyga Maanta: waddoohiye
cirweynaan  eeg cirweyn. ld cirweynaansho, cirweyni.
cirweynaansho  ld cirweynaan.
cirweyni  Awoodda nafley u leedahay in ay raashiin wax badan ka cunto. ld cirweynaan.
ciryar  Wax aan xaddi badan cunto ka qaadan ahaansho.
ciryaraan  eeg ciryar. ld ciryaraansho, ciryari.
ciryaraansho  ld ciryaraan.
ciryari  Awood la'aanta nafley, raashiin in ay wax badan ka cunto. ld ciryaran.
cis  ld ciso.
cisaabad  Col.
cisaaro  Cid dembi fashay ciqaabta la mariyo. ld casaaro.
cisal  1. (-llo, m.dh) Xubnaha taranta labka ee dibiga, wanka, orgiga iwm. 2. Caws yaryar oo dhaqso u soo baxa marka roob ku da'o.
cisbitaal  ld isbitaal.
cisee  Cid sharfid.
ciseyn  eeg cisee.
cishe  1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
cishiinee  ld ceshiimee.
cishiineyn  ld ceshiimeyn.
cishiineysasho  ld ceshiimeysasho.
cishiineyso  ld ceshiimayso.
cishiino  ld ceshiimo.
cishqi  ld caashaq¹.
cisii  C./ka c.: naflayda qaarkood ci'ka dhawaajin.
cisiin  eeg cisii.
cismaandooy  Geed abaareed aan qodax lahayn, leh caleemo dhuudhuuban, laamo tootoosan oo kala baxbaxsan iyo miro hurdi ah oo la cuno dhexdana laf adag ku leh.
ciso  1. Xurmo. 2. Dhiigga haweenka bishiiba mar ku dhaca; caado. ld cis.
ciso-la'aan  (daaw.) La'aanta ama joogsashada caadada (dhiigga) ay dumarku bishii mar helaan. Caado ma laha gabdhaha aan baaluqin, dumarka uurka leh ama caano laga nuugayo iyo kuwa dhalmo dayska ah.
cisyaan  1. Amar dowladeed iyo wax la mid ah si bareer ah loo diido; fallaagannimo. 2. Caasinnimo.
citin  Hambo.
citiqaad1  ld citiqaadid. citiqaad2  1. (f.g) Diin, mabda'iwm aaminid. 2. (f.mg) U c.: cid meel iwm u qasdiyid.
page : 79 of 95
<< < 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 > >>