rasaasee Wax xab-bad ku ridid. ld risaasee.
rasan Qof aan nadaafadda ku dadaalin ahaansho.
rasayn eeg rasee. ld rasays.
rasays ld rasayn.
rasaysan Wax la raseeyay ahaansho.
rasaysasho eeg rasayso.
rasaysnaan eeg rasaysan. ld rasays-naansho.
rasaysnaansho ld rasaysnaan.
rasayso Alaab si habaysan isu dul saarasho.
rasee Alaab si habaysan isu dul saarid.
rash 1. Xabbad baaruud kala firirta leh oo lagu laayo shimbiraha iwm. 2. Qa-raaxad ka kooban xaashi adag oo ay baaruudi ku jirto oo inta badan iidaha iyo xafladaha la rido. 3. R. ah: bunduqa lagu rido xabbadaha rashta.
rasi Nadaafaddarro iyo kala daad-sanaan.
rasiid Warqad qoraal ah oo la siiyo qof lacag laga qabtay.
rasiin R. ah: shaah caleenta iyo sonkortuba ku badan yihiin.
rasiley R. ah: naag baali ah.
rasmi 1. R. ah: wax dhab ah. Tus. “War r. ah baa la ii soo sheegay”. 2. R. ah: wax tayo wanaagsan. Tus. “Saacad r. ah baan soo iibsaday”.
rasmiyee Wax rasmi ka dhigid.
rasmiyeyn eeg rasmiyee.
rasnaan eeg rasan. ld rasnaansho.
rasnaansho ld rasnaan.
raso 1. Khaanado dusha ka bannaan oo lagu sameeyo dukaamada lana saaro alaabta la gadayo. 2. Habka la isu dulsaaro alaabo.
raso-barafeed (juqr.) Baraf gogol aad u kala fidsan oo sabbaynaya oo ku fidsan arriig badeedka, tusaale: raso badeedka Ross ee Antaartika, oo daboosha in ku dhaw 414,000 km.2 (160,000 m.2) oo bad ah.
raso-qaaradeed (juqr.) Gogosha badda ee garabka ku haysa qaaradaha oo ay ku daboolan yihiin biyo gun gaaban. Sida caadiga ah guntaas biyuhu waxay xirtaa ilaa 600 oo cagood (182.9mmitir)
rasto Waddada baabuurtu marto.
rasuul (rusuul, m.dh) (dii.) Nabi Ilaahay ku amray inuu cid kale gaarsiiyo waxyi loo soo dhiibay.
rasuulnimo Rasuul ahaansho.
rati Lab geel oo da'dii rarashada gaaray.
ratib1 ld raatib; ld ratibid. ratib2 Hawl fulinteeda cid u xilsaarid. ratiban U r.: cid hawl fulinteeda u xilsaaran ahaansho.
page : 19 of 40
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>