tamminid ld temminid.
tammooti Neef aan fayoobeen oo cudur dhimanaya oo la qasho.
tammuujad Bastoolad.
tamuumid eeg tamuun.
tamuun Meel abbaarid.
tamuunsii Cid meel ku toosin.
tamuunsiin eeg tamuunsii.
tamuux Carro shawle ah oo aan habaas lahayn sida tan xeebta; xaano; xaani.
tan1 1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug. tan2 (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka ha-dlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “Tan meesha fadhidaa waa walaashay”. tan3 Dibkabe tilmaame oo magac dheddig dib looga qodbo oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tus. “Tintan tayda ma aha”. tan4 Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tus. “Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay”. tanaad1 Qof hanti badan leh. tanaad2 Qof hanti badan yeelasho. tanaadi Cid tanaad ka dhigid.
tanaadid eeg tanaad².
tanaadin eeg tanaadi.
tanaasul Ka t.: cid arrin ay damacsanayd dib uga noqosho.
tanaasulid eeg tanaasul.
taniyo Ilaa; tan³.
tanjent 1. (xis.) Fansaar tirignoometari ee xagal. Tanjentka xagasha + e saddexagal qumman waa saamiga ay sammeeyaan dhererrada dhinaca horjeedaha ah iyo kan deriska la ah xagasha. Qeexdani waxa lagu dabbaqaa xaglaha u dhexeya 0 iyo 90° oo keliya. 2. (xis.) Guud ahaan, mark a laga hadlaayo kulannada kaartis oo unuygu yahay o, tanjentku waa xagasha u dhexeey-sa dhidibka-x iyo xarriiqda oB oo ay sammeeyaan kulanka-x iyo kulanka-y ee barta B (x,y).
tannaago Hadal lagu dheeraysto si cid meel fog joogta loo maqalsiiyo; tayaago. ld tannaagood.
tannaagoo Cid meel fog joogta cod dheer kula hadlid. ld tayaago, tayaaqoo.
tannaagood eeg tannaagoo. ld tayaago, tayaagood, tayaaqood.
tantoomid eeg tantoon. ld tantoonyeyn, tatoomid, tatoonyeyn.
tantoomo Shanta farood iyo calaacasha gacanta oo duuban oo wax lagu dhufto iyadoo gacantu soo laabmayso. ld tan-toonyo, tatoomo, tatoonyo.
tantoon Cid tantoonyo ku dhufasho. ld tantoonyee, tatoon, tatoonyee.
tantoonyee ld tantoon.
tantoonyeyn ld tantoomid.
tantoonyo ld tantoomo.
page : 20 of 60
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>