Ereyga Maanta: fullaacsan
taqdiimad  ld taqdiin.
taqdiin  Lacag ama hanti kale oo horumarin ahaan looga sii qaato cid wax iibsata. ld taqdiimad.
taqi  T. ah: qof Ilaah cabsidii u go'doo-ma.
taqliid1  ld taqliidid. taqliid2  Cid wax ay samaysay ku dayasho. taqliidid  eeg taqliid². ld taqliid¹.
taqliin  ld talqiin.
taqraar1  ld tiqraar¹. taqraar2  ld tiqraar². taqraaran  ld tiqraa-ran.
taqraarid  ld tiqraarid.
taqraarnaan  ld tiqraarnaan.
taqraarnaansho  ld tiqraarnaan.
taqsiin  1. In yar oo tubaako ama jaad ah oo mar canka la geliyo. 2. Muusig yar oo ka horreeya heesta.
taqsiinasho  eeg taqsiino.
taqsiino  In yar oo tubaako ama qaat ah ruugid (qof).
taqtaq1  1. ld taqtaqid. Badbadidda ay soortu badbaddo marka la karinaayo. 2. T. ah: soor jilicsan oo aan weli bislaan. taqtaq2  Soor karaysa badbadid. taqtaqid  eeg taqtaq². ld taqtaq¹ (1).
taqwad  1. Nooc shabaagta mallayga lagu dabo mid ka mid ah. 2. Xoog; tabar. 3. ld taqwo.
taqwo  Ilaah ka cabsi. ld taqwad (3).
tar1  1. Mid ka mid ah godadka dayaxa oo u dhexeeya neefmadoobaha iyo majinta oo la rumaysanyahay qofka dhasha inuu yeesho taran badan. 2. ld tarid. tar2  1. Magac xiddig; afqays. 2. Bow-do. tar3  1. Wax t./wax u t.: cid wax qabasho. 2. Wax badin. taraabeesiyuus  (c.nafl.) Muruq ballaaran oo qaabsaddex gees leh oo ku yaal surka intisa dambe iyo garabaka dhexdooda wuxuu, dhaqaajiya garbaha, surkana xagga dambe ayuu u qaadaa labada dhanba.
taraafiko  Qayb ciidanka booliska ka tirsan oo qaabilsan nabadgelyada wad-dooyinka.
taraamantaana  (juqr.) Dabayl woqooyi, qallalan oo ka dhacda gobolka miditereeniyanka.
taraanturrayn  eeg taraanturree. ld taraanturyayn, turaanturyayn.
taraanturree  Horay u harbin, takhantakhayn. ld taraanturyee, turaanturyee.
taraanturro  Tallabooyin horay xoog loogu qaado, si qof soconayoo wax cagta ku dhuftay ama xoog kale gadaal ka soo harbiyay, dhicidda iyo kufidda isaga ilaaliyo; takhantakho. ld turaanturro.
page : 21 of 60
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>