Ereyga Maanta: tabatabbo
laqwin  ld laqwiyid.
laqwiyid  eeg laqwi². ld laqwin.
lar1  1. Xusuus xun. 2. Laqanyo. lar2  1. Wax, wax kale ku kordhin. 2. Wax, wax kale ku qurxin. laran  Wax, wax kale lagu laray ahaansho.
larid  eeg lar².
larnaan  eeg laran. ld larnaansho.
larnaansho  ld larnaan.
lasiman  La mid ahaansho; la cabbir ahaansho.
lasimnaan  eeg lasiman. ld lasimnaansho.
lasimnaansho  ld lasimnaan.
lasow  Dhadhanka wax faaday.
lataliye  Qof aqoon gaar ah ku taqasusay oo arrimaha la xiriira kala taliya madax dawladeed ama hay'adeed iwm.
lawlaw1  1.Gariir nafleydu dareento oo qabow badani sababo. 2. L. ah: qof aad u gaboobay. lawlaw2  1.Nafley, qabow badan awgiis gariirid. 2. Gabow awgiis la cantatamid (qof). lawlawid  eeg lawlaw².
lax  1. Neef ido ah oo curtay. 2. Meesha xoonku ku hoydo oo ilmaha gashado.
laxaad  ld lixaad.
laxaadsad  ld lixaadsasho.
laxaadsasho  ld lixaadsasho.
laxaadsi  ld lixaadsasho.
laxaadso  ld lixaadso.
laxaamad1  Macdan dhulka laga qodo, jaadad badan, jilicsan, oo marka la dhalaaliyo wax lagu alxamo. laxaamad2  Bir iwm alxamid. laxaamadan  Wax la alxamay ahaansho (bir iwm).
laxaamadid  eeg laxaamad².
laxaamadnaan  eeg laxaamadan. ld laxaamadnaansho.
laxaamadnaansho  ld laxaamadnaan.
laxamee  (muus.) Laxan u yeelid.
laxameyn  eeg laxamee.
page : 22 of 46
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>