afbuur2 Caro ama isla weyni la aamusid; afuur. afbuurid eeg afbuur². ld afbuur¹.
afcaal eeg ficil².
afcaan (afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.
afcadde Wan weyn oo jabsaday.
afceli 1. Ka a.: cid cid kale oo aaney af garanayn uga turjumid. 2. Qof xurmad kaa mudan si uusan jaclaysan ugu warcelin; afnaq.
afcelin eeg afceli. ld afcelis.
afcelis ld afcelin.
afceliso 1. Naag turjubaanad ah. 2. Naag dadka ku afnaqdo.
afceliye 1. Nin turjubaan ah. 2. Nin dadka ku afnaqo.
afcuug Dhul beereed aan weli si wacan loo geed qaadin.
afdabayl Buntuq aan booba ahayn, dheer, oo kow iyo toban xabbadood qaada.
afdaran Wax aan af lahayn ahaansho (qalab wax gooya).
afdarnaan eeg afdaran. ld afdarnaansho, afdarraan, afdarraansho, afdarro.
afdarnaansho ld afdarnaan.
afdarraan ld afdarnaan.
afdarraansho ld afdarnaan.
afdarro ld afdarnaan.
afdhaaf Is-afgaranwaa.
afdhaafid eeg afdhaaf.
afdhabaandhab1 1. Baaq si aayar ah afka gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo aammusiiyo. 2. ld afdhabaandhabid. afdhabaandhab2 Si cid hadlaysa loo aammusiiyo afka aayar gacanta ugu garaacid. afdhabaandhabid eeg afdhabaandhab². ld afdhabaandhab¹, afdhabaandhaw.
afdhabaandhaw ld afdhabaandhabid.
afdhalow Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. ld afgorofow.
afdheere Nooc suuska aan duulin ka mid ah, madow oo af dheer leh.
afdhuub Labada tiir ee aqal irriddiisa ku mudan midkood.
afdhuubyaalayn eeg afdhubyaalee.
afdhuubyaale Hab geela aarankiisu u ordo isagoo luqunta hore u dhiibanaya gafuurkana dhuubaya. ld afdhuubyaalayn.
afdhuubyaalee Afdhuubyaale samayn.
page : 23 of 75
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>