Ereyga Maanta: qaqaan
afgobaadsad  ld afgobaadsasho.
afgobaadsasho  eeg afgobaadso. ld afgobaadsad, afgobaadsi.
afgobaadsi  ld afgobaadsasho.
afgobaadso  1. Hadal macaan oo hufan oo eed ka carar darteeda keliya u dhihid. 2. Si asluub leh arrin uga xogwarramid (qof).
afgorofow  ld afdhalow.
afgoys  A. ah: ceel muddo dhow la qoday.
afguri  Af gaar ah oo looga hadlo degaan ka mid ah waddan, kana yara duwan afkiisa rasmiga ahi; lahjad.
afhaye  1. Turjubaan; afceliye. 2. Qof ku hadla magaca koox, dad, ummad iwm. ld afhayeen.
afhayeen  ld afhaye.
afjaaq1  Baaq. afjaaq2  Cid u baaqid. afjaaqid  eeg afjaaq².
afjig  Qof hadlaya, iyadoo loo diidayo inuu sheego sir ama wax aan habboonayn hadal ka joojin.
afjigid  eeg afjig.
afjuxuunsad  ld afjuxuunsasho.
afjuxuunsasho  eeg afjuxuunso. ld afjuxuunsad, afjuxuunsi.
afjuxuunsi  ld afjuxuunsasho.
afjuxuunso  Xag aqooneed, aftahannimo iwm cid dood kaga badin.
afkaar  eeg feker¹.
afkalahayn  Yaab aad u badan; amakaag. ld afkalahays.
afkalahays  ld afkalahayn.
afkalaqaad  ld afkalaqaadid.
afkalaqaadid  1. Afkalaqaad. 2. Afka oo la kala qaado; hadlid.
afkatoob  Nooc kalluunka ka mid ah.
afkulleeble  A. ah: qof habaarkiisu kaco.
afkullibaaxle  Nooc kalluunka ka mid ah.
afkuxaarre  Qof cay badan oo aan hadalka u miidaandeyin.
afkuxuuble  Ilmo geel oo isaga oo aan dhammays ahayn nolol ku dhashay..
afla'  1. Ciyaarta jarta marka qof god bannaan oo uu xoolihiisa u raro waayo. 2. Middi a.: midda aan wax goynayn..
afla'aan  Afgaroocnimo. ld afla'aansho..
page : 26 of 75
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>