jiir1 Meel sare oo ciriiri ah oo fuuliddeedu dhib tahay. jiir2 1. Meel xoog ku marid. 2. Wax, wax kale xoog dusha uga marid. jiiraan Dad guryohoodu isu dhawyihiin; deris; ollog. ld jaaraan.
jiiraggo'1 Xanuun muruqyada ku dhaca daal ama jug gaartay awgeed. ld jiirgo'¹. jiiraggo'2 Qof jug gaartay ama daal awgiis murqo xanuunid. ld jiirgo'². jiiraggo'id eeg jiiraggo'². ld jiirgo'id.
jiirasho eeg jiiro.
jiirgo'1 ld jiiraggo'¹. jiirgo'2 ld jiiraggo'². jiirgo'id ld jiiraggo'id.
jiirid eeg jiir².
jiirnac1 Nacayb iyo karaahiyo cid loo qabo. jiirnac2 Colaad iyo karaahsi cid u qabid. jiirnax1 Dareen raxmad leh oo qof ku dhasha marka uu arko qof dhibaateysan. jiirnax2 U j.: dareen raxmad leh cid u hayn. jiirnicid eeg jiirnac².
jiirnixid eeg jiirnax².
jiiro Si wax caloosha ku jira (saxro ama muluq) la isaga saaro muruqyada caloosha adkayn.
jiirsii 1. Wax meel ciriiri ah xoog ku marin. 2. Wax, wax kale xoog ku dul marin.
jiirsiin eeg jiirsii.
jiis 1. Qof lugaha middood wax ka qaba oo socodkiisu dhantaalan-yahay; laangarre. 2. Dhasha yaryar ee lab-ka ah ee sagaarada.
jiitamid eeg jiitan². ld jiitan¹ (3).
jiitan1 1. Qaadashada muddo dheer ay qaadato arrin wax ka qabashadeed 2. Raad-ka uu reebo wax meel lagu jiidey. 3. ld jiitamid. jiitan2 1. Arrin wax ka qabashadeed muddo dheer qaadasho. 2. Wax meel lagu jiidey raad ku reebid. jiitin 1. Xarriiq meel ku taal. 2. Ood weyn oo xeryaha xoolaha iridkooda lagu gooyo; ood-afo.
jijin Garangaro yar oo dahab ama qalin ah oo dumarku cududaha gashadaan. ld jinjin.
jikaar1 1. Muran lagu diido xaqiiqo jirta; asaraar; canaad. 2. (-rro, m.dh) Baratan huuriyo lagu tartamo. jikaar2 1. Xaqiiq jirta ka murmid. 2. Ku j.: Qof inuu wax sameeyo ku khasbid. jikaarid eeg jikaar².
jikaartamid eeg jikaartan². ld jikaartan¹ (2).
page : 34 of 53
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>