aalaa
(Falkaab | Adverb)Inta badan, marar badan, badanaa. Tus.”Aa. ma yimaado saacadahaan”. badanaa
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aalaa ↴
haalaati [m.l]
Dareenka ku dhasha qof marka uu waayo wax uu caadeystey, sida sigaarka iwm; xaraarad; hamuun. ld halaati, halalaati. xaraarad, hamuun, halaati, halalaati
qaalaamarogad [m.l]
ld qaalmarrogasho.
qaalaamarrogasho [m.dh]
ld qaalmarrogasho.
qaalaamarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
ld qaalmarrogo.
saalaxweeto [m.dh]
1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.
taalaasemiiya [m.dh]
(daaw.) Cudur dhiigga ku dhaca oo la iska dhaxlo, kuna badan dalalka badda dhexe, Eeshiya iyo Afrika; waxaan caadi ahayn qaybta borotiinka ee heemogolobiinka. Unugyada cascas ee cudurku saameeyo caadi uma shaqeyn karaan, waana burburaan, taas oo keeneysa dhiig yari.
badanaa [Falkaab | Adverb]
Inta badan, marar badan, aalaa. Tus. “Birtu badanaa way mirirtaa”.
dhaaxa [Falkaab | Adverb]
Inta badan, marar, badan, badanaa, aalaa. Tus. “Dh. buu ku sugay”. ld dhaaxaa.
dhurwaayo [m.dh]
Maro midabkeedu isugu jiro madow iyo caddaan oo aalaa danyartu qaadato.
aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”.
aal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (yiil, tiil; aalli)
aal²: 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn.
ld ool², oollow