aar
(m.l) (-rar, m.l)1. Libaax weyn oo lab. 2. Nin geesi ah. 3. Aargoosad.
aar
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-ray, -rtay)1. (f.g) Alaab (aqal iwm) meel sare saarid. 2. (f.mg) Ka aa.: cid dakano gashay ka gudid. 3. (f.mg) U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishey qof ka mid ah dilid.
Hinsaraar*
Waa afar udub oo labo la mudo labona la korsaaro mararka roobku da'ayo waxa laga dhexdhisaa aqal somaaliga dhexdiisa waxa uu u eg yahay ssariirta oo kale waxaana la saaraa ilmaha yar yar alaabta yaar wixii roobka lagala cabsado
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
ugaarsade-hargaandi*
baydari
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Heydaarin*
Caay ama aflagaado
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Xidaar*
Xushmad, ixtiraam, qadarin
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
cafaariigsi*
diyaar garow shey
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aar ↴
saabcaarayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saabcaaree. saabcaaree
saabcaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax qaabka xuubka caarada leh samayn.
saabcaaro [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.
taadhisaar [m.l]
Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya.
taadhisaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid.
yaar [m.l]
ld jaar(2). jaar
yaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin.
yaardi [m.l] (-iyo, m.dh)
Halbeeg dhererka lagu cabbiro oo habka ingiriiska ah oo u dhigma 0.914 mitir (Meter).
yaare [m.l]
1. Xilli ka mid ah xilliyada sannadka
soomaalida oo roobab ka da'aan xeebaha
bari. 2. Dhaxanta roobku keeno.
yaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaar². yaar
a [m.dh]
(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.