aaran
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

1. Geela intiisa aan weli gaarin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa. 2. Doog iyo barwaaqo badan. 3. Aa. ah: meel doog badan leh. 4. Aa. ah: waqti doog iyo barwaaqo leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aaran

jaansaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Kabo jaan cusub la saaray ahaansho.

qaashaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax hawl isu diyaarshay ahaansho.

raaran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay)
Wax la raaray noqosho.

raaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax meel sare saaran ahaansho.

saaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax meel dhulka ka sarreysa la dhigay ahaansho.

saarsaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax, wax kale dushooda yaalyaal ahaansho. Xeerada bariiska ah hilib baa saarsaaran.

taaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Alaab wax la saaray ahaansho.

uurxaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Qof aan cidna xumaan qalbiga ugu hayn ahaansho.

waaran [m.l] (-nno, m.dh)
1. Warqadda lagu oggolaado lacag la doonayo in la bixiyo. 2. Warqad maxkamaddu ku oggolaato qof in la xiro ama in wax la baaro.

xaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la xaaray ahaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg