baaci
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (iyay, -isay)1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaci ↴
waabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid ama wax socday hakin. 2. Wax dagaal u taagan ama u soo socda nabar uu la hakado ama uu ku
gabbado u taagid; baacin. baacin
baacin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baaci. baaci
dud [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Qof caro muujin isagoo u fooltubaaya qofkuu u caraysnaa. 2. Gurigeeda ka tagid caro awgeed (qof haween ah). Tus. “Xaliima ninkeedii bay ka soo dudday”. 3. U d.: wax ul, gacan iwm u baacin.
hummaaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax cid u baacin si loo cabsi geliyo.
baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta
ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u
diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma
Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld
aa¹, ayaa, yaa³.