caado
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl. dhibaad, xiso, xayl
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caado ↴
caadayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
Wax caado ka dhigasho.
caado-immaansho [m.dh] (c.baay.)
Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan. caado, dhibaad, xiso, xayl
caado-raacnimo [m.dh]
Ixtiraam weyn ee caadada ku saabsan.
caadoxanuun [m.l]
Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.
caado wareer [m.dh]
Waa nooc xanuun caado dumarka intooda badan la kulmaan inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. anuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada laakin waxuu ufaafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.
qaayib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid.
abbaay abbaay [m.dh]
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).
alab [m.l]
Ged; caado; dabci.
balwad [m.dh] (-do, m.l)
1. Caado xun, waxyeello leh oo aan si sahlan lagu dhaafi karin. 2. Balwo.