faaruq
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)F. ah: weel aan wax ku jirin ama meel aan wax oollin.
faaruq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qay,- qday)Wax maran, wixii ku jiray laga saaray.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faaruq ↴
faaruqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Weel wax ku jira ka marin. 2. Meel wax yaalliin ka marin.
faaruqid [m.f.dh]
eeg faaruq².
faaruqin [m.f.dh]
eeg faaruqi. ld faaruqis.
faaruqis [m.l]
ld faaruqin.
faaruqnimo [m.dh]
Faaruq ahaansho.
farmi [m.l]
Culaab la saaro maraakiibta markay faaruqa tahay si loo dheellitiro culayskooda.
farmi [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Markab faaruq ah si miisaankiisa la isugu dheellitiro culays saarid.
faar [m.l]
Caano, dawo, rinji iwm intooda adkaata marka ay kala baxaan.
faar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.mg) Caano, dawo iwm bur iyo u biyo u kala bixid. 2. (f.g) ld far².
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg