gaasir
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)Wax, miisaankiisa ama cabbirkiisu aannu dhammayn.
gaasir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Wax, miisaankiisa ama cabbirkiisa wax ka dhimid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaasir ↴
ciirciir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid.
gaasiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay, -rmi)
Wax gaasir ah noqosho.
gaasiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax gaasir ah ahaansho.
gaasirid [m.f.dh]
eeg gaasir².
gaasirmid [m.f.dh]
eeg gaasiran¹.
gaasirnaan [m.f.dh]
eeg gaasiran². ld gaasirnaansho.
gaasirnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld gaasirnaan.
gaas [m.l]
1. Dareere loo isticmaalo ifsashada aqallada iyo cunto karinta. 2. (-sas, m.l) Ciidamo badan oo hal meel laga xukumo; qayb.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg