kaaf
(m.l) (-faf, m.l)Xarafka ka'. ld k (ka').
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaaf ↴
k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf. kaaf
ictikaaf [m.l]
Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.
ictikaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Cibaado awgeed masaajid ku raagid
ictikaafid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ictikaaf². ictikaaf
ictikaafsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax ictikaaf ku jira ahaansho.
ictikaafsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
egg ictikaafsan. ld ictikaafsanaansho. ictikaafsan, ictikaafsanaansho
ictikaafsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld ictikaafsanaan. ictikaafsanaan
kaafi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: wax deeq kugu kaafiya.
kaafi [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Wax ku fillaan.
ka [mu.ti.l] (kuwa, w)
bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2).
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan
magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.